Ururka Midowga Afrika oo aqbalay codsi ay u gudbisay dowladda Soomaaliya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [ATMIS] ayaa loo sameeyay mudo kordhin waqtiga ay Ciidanka sii joogi doonaan dalka, oo tan iyo 2007 ay ka howlgalayeen.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki tallaabadan ayaa timid kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya.

“Waxaan xaqiijinayaa taageerada codsiga dowladda Soomaaliya ee ah in la kordhiyo ATMIS Wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta ee dhimista 2,000 oo askari oo laga bilaabo 31ka December 2022 ilaa 30ka June 2023, iyada oo dib u eegis lagu samaynayo wakhtiga hawlgalka, oo dib loo xaqiijinayo ballanqaadka ah in la joogteeyo taariikhda bixitaanka 31 December 2024,” ayuu yiri guddoomiyaha Midowga afrika.

Midowga Aftirka ayaa ku baaqey in la abaabulo dhaqaalaha iyo agabka kale ee loo baahan yahay si loo taageero waajibaadka ATMIS iyada oo la xoojinayo awoodaha hawlgalka.

Sidoo kale, Ururka Midowga Africa ayaa bogaadiyay dadaallada dardargelinta ah ee ay DFS ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ku dhiirigeliyay dowladda inay si isku mid ah u sii laba jibaarto dadaalkeeda ku aaddan isku dhafka ciidamada si ay si hufan u hanato mas’uuliyadda amniga oo dhameystiran marka ay ciidamada shisheeye ka baxaan.

Bishii Abril ee sannadkan ayay ahayd markii uu dhaqan galay howlgalka ATMIS, kadib markii uu dhamaday waajibaadkii AMISOM. Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in howlgalka ATMIS uu dhamaado 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here