ATMIS oo boggaadisay howlgalkii lagula wareegay degmada Aadan Yabaal

0

MUQDISHO (SMN) – Ergeyga Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mohamed El-Amine ayaa war kasoo saaray howlgalkii shalay lagu qabtay degmada Aadan ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

El-Amine ayaa ku boggaadiyay ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ee sameeyay howlgalkaasi oo maalmo badan qaatay.

“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda” ayui yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalka ATMIS uu qaadan doono doorkiisa, islamarkaana uu  taageeri doono ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal ayaa waxaa muddo ka badan 15 sano ku sugnaa Al-Shabaab, waana degmadii ugu dambeysay ee ay ka joogeen gobolka Sh/Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here