USAID oo ka walaacsan inuu xilligan yaraado roobka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Sarkaal sare oo u hadlay hay’adda Maraykanka u qaabilsan mucaawimada dibedda ee USAID ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in markii afaraad xilli roobaadkan roobka da’aya uu ka yaraado roobkii la filayey taasi oo uu sheegay inaan horey loo arag.

Thomas Solomon oo ah madaxa xafiiska arrimaha bani’aadannimada hay’adda USAID ee Soomaaliya ayaa waraysiga uu ku bixiyey ku sheegay in dadka ay haatan abaaruhu saameeyeen Soomaaliya ay dhan yihiin afar milyan iyo shan boqol oo kun oo qof.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadkaasi ay ku jiraan hal milyan iyo afar boqol oo kun oo caruur ah oo nafaqo-darro hayso.

Soomaaliya ayaa waxaa saameyn daran ku yeelatay abaar baahsan oo ku dhufatay koonfurta iyo bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here