Waa kuma Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya?

0

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, waxaana la badalay Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo bishii July, 2018 oo madaxweynihii hore, Donald Trump u soo magacaabay.

Safiirka cusub, wuxuu Mareykanka u qaabilsanaa dalka Jabuuti. Larry Edward André, Jr ayaa Jabuuti loo diray horraantii sannadkii 2017-kii.

Haddaba Waa kuma?

Larry Edward André, Jr, waa sarkaal sare oo muddo ku soo dhexjiray Adeegga Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.

Dalalka horey loogu diray waxaa ka mid ah Jabuuti oo hadda laga soo bedelay iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania, sannadkii 2014-kii illaa 2017-kii. Sidoo kale wuxuu ahaa wakiilkii gaarka ah ee Sudan iyo South Sudan u qaabilsanaa Mareykanka. Wuxuu ku xigeen ka noqday xafiiska Mareykanka ee Afrika.

André, wuxuu fursad u helay in seddaxdii madaxweyne ee Mareykanka ee ugu dambeeyay uu u noqdo wakiil, ugana howlgalo dalal Afrika ku yaalla.

Larry Edward André, Jr, Wuxuu dhashay sannadkii 1961. Shahaadada koobaad ee jaamacadda wuxuu 1983, ka qaatay Machadka Claremont McKenna ee California.

Sannadkii 1988-dii ayuu qaatay shahaadada labaad ee Jaamacadda, oo culuumta Siyaasadda uu ka bartay Machadka Maamulka iyo Maareynta Caalamiga ah ee Arizona.

Markii ugu horreysay ee Afrika uu yimid waxay sannadkii 1983-dii, wuxuuna si bilaash ah ugu shaqeynayay hay’ad. Wuxuu qaaradda ku sugnaa illaa 1985.

Ka dib markii Jaamacadda uu ka soo qalinjebiyay wuxuu André ku soo noqday Afrika, wuxuuna ka shaqeynayay mashruuca dib u dejinta qaxootiga, intii u dhexeysay 1988 illaa 1990.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu ku biiray 1990-kii, wuxuuna ka howlgalay Nigeria (1990-1992), Cameroon (1992-1994), iyo Aasiya oo uu ka soo shaqeeyay Bangladesh (1994-1998).

Ka dib markii la dallacsiiyay, wuxuu madaxa maamulka ka noqday Safaaradda Mareykanka ee dalka Guinea, laga soo billaabo 1998 illaa 2000; ka dib wuxuu noqday sarkaalkii dhanka Bay’ada iyo deegaanka ee bariga Afrika, wuxuuna fadhigiisu ahaa magaalada Addis Ababa.

Wuxuu xilligaas qaabilsanaa illaa 14 dal oo Bariga iyo bartamaha Afrika ah, wuxuuna shaqadaa hayay 2000 illaa 2002. Wuxuu sidoo kale noqday ku xigeenka madaxa howlgallada Safaaradda Mareykanka ee Sierra Leone, 2002 illaa 2004.

Sannadkii 2004 illaa 2006, wuxuu Larry Edward André, Jr, ku noqday magaalada Washington DC, wuxuuna ahaa ku xigeenka agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsanaa Galbeedka Afrika. Wuxuuna muudo kooban ka soo shaqeeyay dalka Ciraaq, sannadkii 2005.

Markii uu Afrika ku soo noqday, waxaa laga dhigay qunsulkii safaaradda Mareykanka ee Nairobi, 2006 illaa 2008. Ka dib ayaa loo diray saraafadda Tanzania oo uu ka ahaa ku xigeenka madaxa howlgallada, 2008 illaa 2010.

Haddana Markale ayaa dib loogu celiyay Washington, Larry Edward André, Jr, oo la dallacsiiyay waxaa laga dhigay ku xigeenkii madaxa Arrimaha Afrika u qaabilsan Mareykanka, 2010 illaa 2011.

Wuxuu ka dib noqday ku simihii iyo agaasimihii xafiiska wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsanaa Sudan iyo South Sudan, 2011 illaa 2013.

André wuxuu guursaday Salma Rahman, oo iyadana arrimaha caalamka uga shaqeysa Dowladda Mareykanka, waxayna isu dhaleen, Ruhiyyih Rahman André.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here