Waa kuma Macalin Mahdi taliyaha cusub ee Booliska gobolka Banaadir?

0

MUQDISHO (SMN) – Kadib wareegto ka soo baxday xafiiska taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa waxaa maanta taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir loogu magacaabay G/Le Sare Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaano Macalin Mahdi.

Muumin oo ah sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa bedelaya taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir Marxuum Farxaan Qaroole oo lagu dilay qarax miino oo ka dhacay agagaarka deegaanka Basra, xilli uu waday howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Haddaba waa kuma Macalin Mahdi taliyaha cusub ee Booliska gobolka Banaadir?

Mahdi waa 35 jir ku dhashay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, dugsiga Hoose, dhexe iyo Sare wuxuu kaga baxay iskuulka Shiikh Xasan Barsame,

Sidoo kale wuxuu 2017 Shahaadada koobaad ee Bachelor ka kaga qalin beddeshay Jaamacadda Horseed kulliyadda Maamulka iyo Maareynta, wuxuu sidoo kale Diploma luuqadda English-ka ah ka qaatay Machadka luqadaha ee Frontier.

Wuxuu ciidanka kusoo biiray 2009, ilaa haatan oo uu noqday G/le: Sare.

2012 wuxuu soo qabtay Taliyaha Hay’adda NISA ee degmada Hodan, 2013-2014 wuxuu soo qabtay Taliyaha Hay’adda NISA ee degmada Dharkeynley,

July illaa September 2014 wuxuu soo qabtay xilka Taliyaha NISA qeybta Galbeed ee Gobolka Banaadir,

2014-2015 wuxuu ahaa Taliyaha Ciidanka ururka AAR ee NISA,

2015-2016 wuxuu ahaa Taliyaha Hoggaanka Arimaha Bulshada ee Hay’adda Sirdoonka iyo

Nabadsugidda Qaranka,

2015-2016 La’ Taliyaha Arrimaha Amniga Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, 2016-2018 wuxuu La Taliyaha Arrimaha Amniga u ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,

2016-2018 wuxuu noqday Wakiilka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka ee X/dhexe Iskuduwida Howla-galada Wadajireed (JOCC),

2020-2022 wuxuu ahaa Taliyaha Guud Ee Nabad Sugidda dowlad Goboleedka Galmudug.

Abaalmarinnada Shaqo Wanaaga:

Ka dib markii uu la yimid karti, dulqaad, daacadnimo iyo hufnaan shaqo wuxuu mutaystay abaalmarinno isugu jira Dallacsiin iyo shahaado Sharafyo kala duwan oo ay i guddoonsiiyeen Madaxda Sare ee Qaranka:

Oct. 2015: Shahaado Sharaf waxaa igudoonsiiyay Wasiirka Amniga Gudaha

Jun. 20016: Shahaado Sharaf ayaa waxaa igudoon siiyay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Jan. 2015: Shahaado Sharaf ayaa waxaa igudoonsiiyay Madaxweyne

Xasan Shiikh Maxamuud.

Dec. 2014: Shahaado Sharaf ayaa waxaa igudoonsiiyay Taliyihii hore ee Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran.

Macalin Mahdi waa shaqsi shaqo adag kasoo qabtay Galmudug, laguna yaqaan waxqabad iyo xirfad sare oo ku aaddan sugidda amniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here