Waa sidee maanta xaaladda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud?

0

GURICEEL (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xaaladda magaalada Guriceel ay degan tahay, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay haatan furan yihiin qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga ee magaalada iyo goobaha waxbarashada, walow dadka qaar ay barakaceen.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa ku sugan gudaha Guriceel, halka duleedka magaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey xaaladda ayaa aheyd mid kacsan, waxaana labada dhinac ay wadeen guluf dagaal, iyaga sameynayey dhoolatus dhanka ciidamada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here