Waa sidee xaaladda deegaanadii lagu dagaalamay ee maamulka Galmudug?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Xaaladda deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusamareeb, ayaa saaka deggan, halkaas oo shalay ay ku dagaallameen ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Dagaalkaas ayaa la sheegey inay ku dhinteen toban qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen labaatan kale, oo dhinacyadii dagaallamayay ay ku jiraan.

Sidoo kale dagaalka ayaa billowdey kadib makrii ciidamo Ahlu Sunna ka tirsan ay fariisin ka sameysteen duleedka Dhuusamareeb, halkaas oo ay weerareen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here