Waa sidee xaaladda degmada Galcad kadib weerarkii Al-Shabaab?

0

GALCAD (SMN) – Xaaladda degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa saaka degan, kadib markiiJimcihii shalay ay weerar ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay saaka howlgallo baaritaano ah ay ka wadaan halkaasi.

Weerarka ka dhacay Galcad waxaa ku dhintay Taliye ku xigeenkii ciidamada Danab ee Mareykanka uu tababaray Gaashaanle Xasan Cismaan Maxamed (Xasan Tuure), waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in in marka laga soo tago dilka ay Al-shabaab u geysatay toddobada askari, ay askarta dowladdu dileen 100 ka mid ah dagaalyahannada kooxda, sidoo kalena ay burburiyeen 5 gaari oo kuwa qoryaha qaada ah oo loo yaqaan Tiknikada.

Al-Shabaab ayaa iyaduna sheegatay in dagaalka ay ku dileen 159 ka tirsan askarta dowladda, iyadoo sheegashada labada dhinac aan si madax-bannana loo xaqiijin karin.

Galcad oo ay muddo fog ka talineysay Al-Shabaab ayaa waxaa todobaadkan la wareegay ciidamada huwanta ee howlgallad ka wada deegaanada maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here