Waa sidee xaaladda guud ee magaalada Cadaado, kadib xariggii odayaasha?

0

CADAADO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, Mudane Faarax Diiriye Warsame oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee magaaladaasi, kadib markii laga xiray odayaashii heshiiska lasoo galay Al-Shabaab.

Faarax Diiriye ayaa wareysigan ku beeniyay in haatan xiisad ka dhalatay xarigga odayaashaasi ay ka taagan tahay magaalada Cadaado.

Guddoomiyaha ayaa shaaca k qaaday in arrintaas ay soo dhammaatay, isla-markaana odayaasha xiran la marsiin doono sharciga, si looga qaado tallaabo adag.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray dadka shacabka ah, isaga oo ka dalbaday inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo nabadda degmadaasi.

Xarigga odayaal dhaqameedkan ayaa aad loo hadal hayey, kadib markii arrintooda si weyn loogu baahiyay baraha bulshada Internet-ka, waxaana ka hor inta aan la xirin ay warbaahinta kula hadleen magaalada Cadaado, ayaga oo sheegay inay Al-Shabaab kasoo daayeen 67 qof, kadib wadahadal ay kula galeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here