Dadaallada dhex-dhexaadinta Farmaajo & Rooble oo heer gabagabo ah marayo

0

MUQDISHO (SMN) – Wada-hadallada lagu xalinayo khilaafka u dhexeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la xaqiijiyey inay marayaan heer gabagabo ah.

Guddiyo ka kala socda labada dhinac ayaa la filayaa in ay war ka soo saaraan Khilaafka, hase’yeeshee Shabelle ayaa ogaatay in horumar badan laga sameeyey sidii la isugu soo dhawaan lahaa labada dhinac, waxaana suuragal ah in ilaa berri uu ka soo baxo war rasmi ah, haddii aysan imaan wax isbedel kale ah.

Guddiga labada dhinac

Dhanka Madaxweynaha
1. XildhibaanC/Shakur Cali Mire
2. Guddoomiye Cali Yare Cali
3. Xil Cabdiraxmaan dheere

Dhanka RW Rooble
1. Wasiir Cabdiraxmaan Carab
2. Wasiir C/raxmaan Cadaala
3. Wasiirka Dastuurka Jaamac

Sidoo kale waxaa kor joogteynaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here