Waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho oo maalintii labaad xiran

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah xiran qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho, sababo la xiriira booqashada madaxweynaha dowladda Jauubti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa weli ku sugan waddooyinka, ayaga hakiyay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha.

Sidoo kale waxaa maanta la filayaa in madaxweyne Geelle uu hortego xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si uu ugu jeediyo khudbad xasaasi ah.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa in khudbadiisa uu diiradda ku saaro xiriirka labada dal, booqasho uu ku yimid Muqdisho & arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here