Wafdi hordhac u ah ra’iisul wasaaraha oo gaaray magaalada Jowhar

0

Wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray  wasiirro iyo xildhibaanno hordhac u ah socdaalka Raโ€™iisal wasaare Rooble ayaa goordhow gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wafdigaasi oo ay ka mid ah Wasiirad Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Gargaarka iyo masiibooyinka , waxaa  lagu soo dhoweeyay fariisinka ciidamada AMISOM ee xaafadda horseed oo ka tirsan Degmada Jowhar.

Raโ€™iisal wasaare Rooble ayaa saacadaha soo socda la filaaa inuu gaaro magaalada Jowhar,iyadoo magaaladaasi ay ka socdaan qababqaabo ku aadan soo dhoweynta raiisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here