Wafdi hordhac u ah safarka madaxweyne Xasan ee Puntland oo gaaray Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Haruuse iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunra gobolka Nugaal

Wafdigaan ayaa horudhac u  ah safar uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud beri ku tegi doono caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu wadahadallo la yeeshay madaxda sare ee Puntland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Si kastaba, booqashadan ayaa ku soo aadayo xilli uu haatan mad-madow u dhexeeyo Puntland iyo dowladda federaalka, kaas oo ka dhashay dhismaha xukuumadda cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here