Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo shir uga qeyb-galay Masar + Sawirro

0

QAAHIRA (SMN) – Wasiirka Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare XFS Mudane, Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahiro kaga qeybgalay shirka 14-aad ee ururka Waxbarashada hiddaha iyo Cilmiga u qaabilsan waddamada Islaamka ee loo-soo gaabiyo (ICESCO), kaasi oo Magaalada Qaahira ka furay Madaxwaynaha Dalka Masar mudane Cabdifitaax Alsiis.

Wasiirka Waxbarashada Eng Cabdullahi Carab oo warbixin ka siiyay ururka (ICESCO), horumarada Waxbarashada, Hiddaha, Cilmi baarista dalka, ayaa u sheegay in Waxbarashada Soomaaliya ay sameyneysay xaalad soo kabasho ah sidoo kalana dowladda ay hiigsaneyso in ay horumariso Waxbarashada iyo Cilmi-baarista.

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay la kulmi doonaan dhigagooda Wasaaradda Waxbarashada Dalka Masar iyo madax kala duwan oo ka socda Wadamada Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here