Wafdi ka socda DF Soomaaliya oo u ambabaxay gobolka Hiiraan

0

Waxaa goordhaw Magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye, kuwaas oo ku wajahan magaalada Buulo-Burde ee Gobalka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa Wasiirka ku wehelliyo Madaxda Hay’adaha UN-OCHA, WFP iyo UNICEF, waxaana garoonka diyaaradaha Magalada Muqdisho ka sagootiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federalka Soomaaliya.

Ujeedka safarka Wasiirka Gargaarka Xukuumadda Soomaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ee degmada Buulo-Burde ayaa ah u kuurgalidda xaaladdaha Bini’aadanimo ee halkaasi ka jira.

Sidoo kale Wasiir Khadiijo ayaa kulamo kala duwan la qaadan doonto  Maamulka degmada Buul-Burde iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si wax looga qabto xaaladdaha bani’aadanimo ee ka jira degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here