Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Canada + Sawirro

0

OTTAWA (SMN) –  Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay gaaray magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Ergeyga oo dalka Canada ku tegey booqasho hawladeed maalmo qaadan doonta ayaa inta uu halkaa ku sugan yahay kulamo la qaadanaya madax ka tirsan dawlada Canada iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas.

Ergeyga ayaa kala hadli doono dawlada Canada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameeyeen, gacana looga siin lahaa dawlada Soomaaliya la dagalaanka argagexisada Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here