Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray dalka Niger + Ujeedka

0

NIYAAMI (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Niyaami ee dalka Niger, halkaasi oo loogu sameeyay xaflad soo dhoweyn ah.

Wafdigaasi ayaa ka qeybgaslaya shirka Midowga Afrika ee warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niami.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wefdi uu hoggaaminayo,waxaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda dalalka ka qaybgalaya shirkaasi.

Wafdigaasi waxaa garoonka diyaaradaha ee Niyaamo ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Niger Mr. Ouhoumoudou Mahamadou

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here