Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray degmada Hobyo + Sawirro

0

HOBYO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada XFS Marwo, Khadija Mohamed Al-makhzoumi oo safar shaqo ku joogta maamul goboleedka Galmudug ayaa ka digtay Bacaadka Degmadda Hobyo oo ku fidaya qaybo ka mid ah magaaladda, wasiirka ayaa sheegtay in fiditaanka bacaadku yahay halis deegaan oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Marwo Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa sheegtay in si wadajir ah looga wada hawlgalo sidii wax looga qaban lahaa halistan iyadoo Bulshada ku wacyigelisay in la sameeyo nidaamka Dhiraynta iyadoo sidoo kale xustay in ay hobyo ugu jirto qorsheyaasha hortebinta leh ee qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here