Wafdi ka socda HirShabelle oo gaaray degmada Buulo-Burte + Sawirro

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) iyo Wafdi uu hoggaaminayo, uuna qeyb ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa gaaray Degmada Buulo-Burde ee gobalka Hiiraan, halkaas oo siweeyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan oo ka soo ambabaxay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo dhaweeyay, Maamulka degmada, Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Buulo-Burde.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro dhismaha Taliska qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga ee degmada Buulo-burde, kaasi oo dhawaan degmada laga dhisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here