Wafdi ka socda HirShabelle oo gaaray magaalada Beledweyne + Sawirro

0

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta gaaray Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle oo ka kooban Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka HirShabeelle, kuwaas oo ku kala sugnaa Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne ayaa Wasiiradan ah waxaa kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Golle ee Maamulka HirShabeelle, kuwaas oo horay u joogay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdigan Wasiirada HirShabeelle ayaa Magaalada Beledweyne u tagay  si ay ugu qeyb galaan shirka Golaha Wasiirada HirShabeelle beri, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa Xubnaha Golaha Wasiirada Xarunta Gobolka kulan gaar ah kula qaatay, waxaana Magaalada Beledweyne laga dareemayaa u diyaar garoowga Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkaan looga hadlayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here