Faah faahino kasoo baxaya qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa oo ah is miidaamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay jidka loogu gudbo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Goobjoogayaal ayaa Shabelle in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas bartilmaameedsaday gaadiid lagu hubinayey koontarool ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta taagneyd guddoomiyaha Warta Nabadda, Zeynab Xaabsey oo shaaciysay inay ka bad-baaday qaraxa, walow ay ku waxyeeloobeen askarteeda.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 4 afar oo uu jiro qofka is qarxiyey laba askari iyo qof shacab ah.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomalaiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here