Qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo marayey halkaasi.

Taliyaha oo la hadlay Shabelle ayaa shaaca ka qaaday inuu ka bad-baaday qaraxaasi, wuxuuna tilmaamay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay is-miidaamintaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wixii soo kordha kala soco: shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here