Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaas oo laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca gawaarida lagu dhajiyo ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa Shabelle u sheegay in qaraxan ay ku dhaawacmeen ugu yaraan illaa labo qof, kuwaas oo lala cararay goobaha caafimaadka, si loogu dabiibo.

Lama oga cida wadatay gaariga la qarxiyey oo ahaa nooca raaxada iyo sababta loo bartilmaameedsaday.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here