War-murtiyeed ka kooban 6 qodob oo laga soo saaray shir ka dhacay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Shir u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray tayeenta hay’adaha waxbarashada ee dalka.

Shirkan oo u dhexeeyey wasiirada waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad goboleedyada waxaa guddoomiyey wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir, iyada oo ay goobjoog ahaayeen wasiirada Waxbarashada ee shanta maamul goboleed ee dalka.

Warmurtiyeed ka kooban illaa lix qodob ayaa laga soo saaray shirkan waxaana ka mid ah:-

-In la qabto shirweynaha dib u jiheynta waxbarashada dalka.

-In dib u eegis lagu sameeyo sharciga waxbarashada dalka iyo siyaasada waxbarashada qaranka.

-In Macalinku yahay u dub dhexaadka waxbarashada ee dhanka baahinta iyo tayo dhowrka.

-In ay biyo kama dhibcaan tahay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay waxbarashada u qoondeeyaan miisaaniyad waalidiinta Soomaaliyeed ka khafiifisa culeyska dhaqaalaha waxbarashada

-In waddada kaliya ee furan si waxbarashada dalkeenna loo hormariyo ay tahay in laga wada shaqeeyo waxbarasho heshiis lagu yahay oo waafaqsan nidaamka dowliga ah iyo shuruucd dalka.

Dowladda federaalka ayaa wada wadatashiyo ballaaran oo ku aadan wada shaqeynta hay’addaha kala duwan heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka, maadaama isbedel weyn oo siyaasadeed uu dhacay wixii ka dmabeeyey 15 May ee sanadkan 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here