Wararkii u dambeeyey ee shirka ka socda Afisyooni oo galay maalintiisii afaraad

0

Shirka wada-tashiga qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo Sabtidii todobaadkan ka furmay Teendhada Afisyooni ayaa maanta galay maalintiisii afaraad oo xiriir ah.

Madaxda waxa ay uga hadlayaan shirkani  xal u helida caqabadaha ku hor gudban doorashada dalka ka dhaceysa iyo xalinta qodobo gaar ah oo madaxda ay isku hayaan, kuwaasi oo la tilmaamay inay si weyn uga doodeen.

Dhinaca kale xogo xasaasi ah oo ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ay is faham ka gaareen inta badan qodobadii horey u burburay shirarkii hore.

Madaxda ayaa sidoo kale dood adag ka yeeshay saddex qodob oo dhowr jeer fashiliyay shirarkii  looga hadlaayay doorashada, uuna ka taagnaa khilaaf , kuwaasi oo kala ah arrinta guddiyada doorashada, xiisada gobolka Gedo iyo arrinta Somaliland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxa ay kusii darayaan in la diyaariyay munaasabadda weyn ee saxiixa heshiiska madaxda oo qorsheysan in la qabto maalinta Khamiista, haddii aanay wax is bedelin.

Shirkan ayaa waxaa goobjoo ah ra’iisul wasaare Rooble, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shanta hoggaamiye goboleed ee Jubbaland, Puntland, Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here