Aqriso: Maxaa ka soo kordhay wada-hadallada ka socda Villa Soomaaliya?

0

MUQDISHO (SMN) – Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oo saaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda.

Warar soo baxay mar sii horreysay ayaa muujinayey in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay weli socdaan wada-hadallada, isla-markaana ay rajeynayaan inay guul kusoo dhammaadaan.

Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiya.

“Waxay bogaadineynaa dedaalada guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoorqoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarkaalkaasi oo ka gaabsaday magaciisa.

Xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana ay saameyn ku yeelatay doorashada 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here