Wararkii ugu dambeeyay dagaal markale ka dhacay magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo markale xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo sidoo kale maleeshiyaad deegaanka ah, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan ciidamada Somaliland laga saaray magaalada, waxayna hadda ku sugan yihiin xaafadaha kooban iyo duleedka magaalada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wada halkaasi, waxaana mar kasta laga cabsi qabaa in dagaalka uu dib qarxo.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday rabshado xoogan oo haatan isku bedal gacan ka hadal iyo dagaal toos ah oo dhaliyay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here