Wararkii ugu dambeeyay ee howlgalka ka socdo degmada Aadan Yabaal

0

AADAN YABAAL (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay haatan wadaan dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyey oo ay kula wareegayaan degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi, halkaas oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay isku hareereeyeen degmada, waxayna haatan wadaan howlgal miino baaris ah, sida uu sheegay Labo Xidigle Abshir Wadani oo ka mida saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan jiida hore ee dagaalka.

“Ciidanka dowladda ayaa harreeyay degmada Aadan Yabaal, miino baaris ayaana socota.” ayuu yiri Labo Xidigle Abshir Wadani.

Sidoo kale wuxuu intaas ku sii daray in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada, iyaguna ay isku diyaarinayaan inay saacadaha soo socda gudaha u galaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab xaasaskoodii iyo carruurtoodii waa kala baxeen Aadan Yabaal,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here