Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha ka dhashay weerarkii deegaanka Galcad

0

GALCAD (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billoowday oo saaka Kooxda Al Shabaab ay ku qaaday Saldhig ciidan oo ku yaalla Degaanka Galcad oo qiyaas ahaan 375 km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 7 Ruux oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii Ciidanka sida gaar ah u tababaran ee Danab ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen weerarkan.

Labo bayaan oo siyaabo kala duwan uga soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Al Shabaab ayaa looga hadlay weerarkii Galcad, iyadoo labada dhinacba ay sheegteen in midba midka kale uu khasaaro gaarsiiyay.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga ay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al Shabaab, islamarkaana halkaasi ay ugu dileen ugu yaraan 100 ka mid ahaa Ururka Al Shabaab.

Bayaanka Wasaaradda ayaa lagu xusay in weerarkii saaka ay ku dhinteen ugu yaraan 7 askari oo ka mid ahaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhinaca kale, qoraal kooban oo ka soo baxay Kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal yahanada Ururkada ay cagta mariyeen saldhiga Ciidanka Danab, halkaasna ay ku dileen 159 Ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil.

Kooxdu waxay sidoo kale sheegatay ay qabsadeen islamarkaana ay gubeen 45 gaari oo nuuca dagaalka kadib weerarkii saaka.

Saldhiga saaka weerarka lagu ekeeyay ayaa haatan waxaa gacanta ku haya Ciidanka Dowladda iyo kuwa dadka degaanka. Wararka ayaa sheegaya in duqeymo xoogan ay ka dhaceen Degaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Kooxda Al Shabaab ayaa u muuqata in ay kordhisay weerarada aargoosiga, waxaana todobaadkan gudihiisa ay weeraro qaraxyo u badan ka fuliyeen Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Si-kastaba, howlgalladan haatan ka socda Gobolka Galgaduud ayaa u muuqda mid laga soo hooyay guullo maadaama Al Shabaab todobaadkii la soo dhaafay laga qabsaday Degaanno iyo Degmooyin dhowr ah ku yaalla Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here