Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Afrika iyo Mareykanka oo maanta furmaya

0

WASHINGTON (SMN) – Magaalada Washington waxaa saacadaha soo socdo ee maanta ka furmaya shirka Afrika iyo Mareykanka, kaas oo uu ka qayb-galayo madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona saddex cisho ayaa waxaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga, dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka jeedin doono khudbad ku saabsan  la dagaallanka Al-Shabaab, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay howlgalada socdo, iyo dhinacyada kale ee Soomaaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.

Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu Afrika ugu yaboohayo illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota, si uu ugu xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya.

Gabagabada shirka Afrika iyo Mareykanka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aano iyo hindiseyaal waa weyn, kadib marka ay dhammaato saddexda cishe ee loo qorsheeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here