Wararkii ugu dambeeyay ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Xubnaha Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxay kormeereen goobaha lagu qaban doono Shirka Dib u Heshiisiinta KGS. Sidoo kale waxeey mid mid u booqdeen meelaha ay degi doonaan martida ka qeyb galeysa shirka.

Guddoomiyaha guddiga Mudane Yusuf Xasan Isaaq (Yusuf Wadani) oo ay weheliyaan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS qeybta sedexaad ee Koonfur galbeed ayaa wada u diyaar garowgi u dambeeyay ee shirka iyo soo dhaweynta wufuuda imaaneysa magalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale Guddiga Farsamada Shirka dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka ATMIS iyo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kala hadlay sugidda amniga goobta uu shirka ka furmaayo iyo goobaha ay degi doonaan martida imaan doonto.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay  Guddoomiyaha Guddiga Mudane Yusuf Xasan Isaaq (Yusuf Wadani) iyadoo ay goob joog ahaayeen xubanaha guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here