Wararkii ugu dambeeyey ee shirka doorashada ee ka socda Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda shir u dhaxeeya Ra’isul Wasaraaha Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, kaas oo galay maalintiisii labaad.

Madaxda ayaa lagu wadaa inay isla meel dhigaan qorshaha amniga doorashada, soo gudbinta xubnaha guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo iyo jadwalka doorashada, oo markii hore uu ahaa in muddo lixdan maamlmood oo ka bilaabmaysay 27 May lagu qabto doorashada, balse dhawr iyo sodon maalmood ay tagtay.

Shirka waxa kaloo maanta warbixin looga dhagaysan doonaa kooxda la taliyeyaasha farsamada arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranka.

Sida ay sheegayaan illo wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, galinka dambe ee maanta ayey suurtagal tahay in shirka la soo xiro, haddaaney arrimaha qaar waqti dheeraada u baahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here