Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Rabshadaha weli ka socdo magaalada Laascaanood ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay galeen maalintii 7-aad, waxaana kasii dartay xiisadda ka taagan magaaladaasi.

Dibad-baxyo horleh ayaa maanta dib uga billowday Laascaanood, kuwaas oo ay shacabka ku dalbanayaan in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa hawada laga saaray adeega Internet-ka ee magaalada, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka, kadib tallaabo ay qaadeen ciidamada Somaliland.

Rabshadahan ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan, waxaana sidoo kale ay saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Dhinaca kale xarunta xuquuqul insaanka ee Somaliland ayaa cambaareysay waxa ka socdo Laascaanood, gaar ahaan in rasaas loo adeegsado dadka shacabka ah.

Qoraal ka soo baxay xarunta ayaa waxay ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo dhacdooyinka ka dhacay magaalada, gaar ahaan dhibaatada gaartay shacabka.

Si kastaba, rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa waxa ay ka dhasheen dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaaladaas oo ku taalla waqooyiga dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here