Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Maxaas + bartilmaameedka

0

MAXAAS (SMN) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba qarax oo is-miidaamin ahaa oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dhamashada ay gaareyso illaa 15 qof, dhaawacana uu intaasi ka sii badan yahay, sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid ka mid ah qaraxyadan waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay guriga uu Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilligaas uu ka maqnaa guriga, halka qaraxa labaad isna lala beegsaday  guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Guddoomiyaha oo la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay in khasaare kala duwan ay ka dhasheen qaraxyadaasi, wuxuuna tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaano dheeri ah.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka intaba.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo inta badan Al-Shabaab looga saaray gobolkaas oo xudun u ah kacdoonka haatan ka socdo inta badan gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here