Wararkii ugu dambeeyay wajiga labaad ee shirka Koonfur Galbeed + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xubnaha Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

 

Sheekh Aadan Madoobe ayaa kala hadlay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed ee xalka loogu raadinayo khilaafka ka taagan maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay inay u diyaar-garoobaan sii amba qaadida wajiga labaad ee shirka, kaas oo ah mid muhiim ah, laguna dhammeystirayo wadahadalka socda.

Wajiga labaad ee shirka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagaga arrinsan doonaa hannaanka geedi socodka nabadda iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha haatan taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaadi doonaa arrinta doorashada iyo sidii ay howlgallada xoreynta uga bilaaban lahaayeen maamulkaas.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa weli ka taagan xaalad siyaasadeed oo kacsan, taas oo ka dhalatay muranka doorashada ee u dhexeeyo maamulka Lafta-gareen iyo mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here