Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin ka dhacday Sh/Dhexe + khasaaraha

0

BALCAD (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar is-miidaamin ah ku qaadeen saldhigga deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa ku billowday illaa saddex gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana kadib xigay dagaal toos oo dhex-maray dagaalayahanada weerarka soo qaaday iyo ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in weerarkan ay ku dhinteen saraakiil iyo askar badan oo xilliga uu weerarka dhacayey ku sugnaa saldhigga.

saraakiisha lasoo wariyey in ay ku dhinteen qaraxyadaasi ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Guutada 3-aad, Qaybta 27-aad ee Milatariga Soomaaliya Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey), kaas oo ahaa taliyaha maamulayey saldhigga deegaanka Xawaadley.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya duleedka degmada Balcad oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.

Shalay uun ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here