Wararkii ugu dambeeyay xaaladda guud ee magaalada Laascaanood

0

LAASCAANOOD (SMN) – Xaaladda guud ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa haatan laga dareemayaa deganaasho aan caga badan ku taagneyn, kadib rabshado xoogan oo ka dhacay magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Sool.

Waxaa haatan Laascaanood gacanta ku haya ciidamada deegaanka, halka kuwa Somaliland ay ku sugan yihiin saldhigyo ku yaalla duleedka magaaladaasi.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in Somaliland ay wadahadal la billowday qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan halkaais.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in wadahadalladaas ay fashil ku soo dhammaadeen, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka taagan.

Laascaanood ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday rabshado xoogan oo isku beddalay gacan ka hadal iyo dagaal toos ah, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here