Wararkii ugu dambeeyey dad Soomaali ah oo lagu laayey dalka Itoobiya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan toddobo qof oo Soomaali xoolo dhaqata ah lagu laayey deegaan la yirahdo Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash ee mara deegaanka Canfarta halka dhawr kalena lagu dhaawacay.

Maleeshiyaad kasoo jeeda Qowmiyadda Canfarta ayaa lagu soo warramayaa in weerar ay ku qaadeen xoolo dhaqato Soomaali ah oo u arooray wabiga, halkaas oo sidoo kale la sheegay in lagu qaaday xoolo gaaraya illaa afar kun oo neef.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli usbuucyadii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labadani qowmiyadood ee dirirtoodu soo jiitameysa in muddo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here