Wararkii ugu dambeeyey dagaallada ka soo cusboonaaday Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof lagu dilay dagaal labo miliishiyo beeleed maanta ku dhexmaray deegaanno hoostaga tuulada Labagalle oo hoos tagta degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud sida ay innoo  sheegeen illo wareedyo ku sugan deegaanka.

Dagaal beeleedkan cusub ayaa salka ku haya muranno la xiriira baraaggo deegaanka laga qodayay oo lagu murmay.

Dadka dagaalka ku dhaawacmay oo toban kor u dhaafaya, ayaa loo kala qaaday isbitaallo ku kala yaala degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here