Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

0

CADALE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Nuur Dugle oo ka mid ah meelihii ugu dambeeyey ee ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka.

Cumar Macalin oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay iska difaaceen weerarka.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey inay dileen illaan 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay dhaawaceen 3 kale, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here