Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka socdo gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal haatan ka socdo deegaanka lagu magacaabo Ceel Macaan oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid, kadib markii ay xoogaga Al-Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Macawiisleyda ay ku leeyihiin halkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in haatan xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana labada dhinac ay isweydaarsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here