Wararkii ugu dambeeyey dagaalka ka socdo duleedka degmada Maxaas

0

MAXAAS (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka uu dagaal dib uga qarxay duleedka degmada Maxaas, kaas oo u dhexeeyo maleeshiyaadka Macawiisleyda iyo Al-Shabaab.

Dagaalkan oo xalay soo billowday ayaa xoogiisu waxa uu ka socdaa inta u dhexeyso deegaanka Teedaan iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho dhaawacba leh.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay dagaalkan, waxayna shaacisay in ay ku dishay ugu yaraan 50 ka tirsanaa ciidanka Macawiisleyda, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here