Wararkii ugu dambeeyey dhalinyaradii lagu afduubtay degmada Beledweyne

0

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu sii daayo sedex dhalinyaro ah oo shalay laga afduubtay xaafadda Howlwadaag.

Afduubka dhalinyaradan ayaa la xiriirinayaa kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsanayd sirdoonka Soomaaliya oo dawladdu sheegtay in Al-Shabaab ay dileen balse shabaabku iska diideen inay ku lug lahaayeen dilka gabadhaasi.

Dadka afduubka gaystay ayaa ku hayb ah Ikraan, halka kuwa la afduubay ay ku hayb yihiin agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here