Galmudug iyo Ahlu Sunna oo weli dhaq-dhaqaaqyo ka wada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii lasoo dhaafay ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabeen gobolka Galgaduud.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa salka ku haya xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dhowaan la wareegtay magaalada Guriceel ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug oo kaashaanaya kuwa dowladda ay isku fidiyeen duleedka Dhuusamareeb, halkaas oo ay howlgallo culus ka wadaan.

Ahlu Sunna ayaa dhankeeda abaabul culus ka wada Guriceel, waxaana ciidamadeeda ay difaacyo ka sameysteen duleedka magaaladaasi

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac, kuna aadan dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here