Wararkii ugu dambeeyey doorashada Golaha Aqalka Sare ee Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa haatan ka socota qaban qabaadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabashada doorashada kuraasta Aqalka Sare, xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi, taas oo ka dhaceyso caasimadda.

Diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee u taagan kuraasta Somaliland oo soo bilaabatay khamiistii ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo gelinka dambe ee maanta.

Sidoo kale waxaa kadib qorshaha uu yahay in la xareeyo ergada wax dooraneyso, si loo siiyo tababaro ku saabsan doorashada.

Doorashada Golaha Aqalka Sare ee Somaliland ayaa bilaabaneysa 28-ka bishan aynu ku jirno, waxayna ku egtahay isla 30-ka September ee sanadkan 2021-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here