Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare

0

JOWHAR (SMN) – Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ku matali doono maamulka Hirshabeelle ayaa la filayaa in maanta lagu soo gabagabeeyo Magaalada Jowhar.

Seddex kursi ee ka harsan xildhaanada Aqalka Sare ku matali doono Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu dooranayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Inta badan maamul Goboleedyadda dalka ayaa soo saaray xildhibaanadii aqalka sare ku matali lahaa maamaladooda taas oo ka dhigan in uu dhawaan soo dhamaan doonto doorashada Xildhibaanada Aqalka Saree ee baarlamaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here