Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare

0

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray jawdalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BFS ka soo gelaya HirShabeelle, taas oo la guda galayo maanta Khamiista, sida ku cad jadwalka.

Ugu horeyn guddiga ayaa jadwalkaan ku sheegay in 9-ka bishan September oo maanta ku beegan illaa maalinka Sabtiga ah ee 11-ka bishaan ay socon doonto ‘qabashada araajida iyo diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare’ ee yaalla Jowhar.

Sidoo kale maalinka Axada ah ee 12-ka bishaan ayaa loo balansan yahay in musharaxiinta laga dhageysto hadal jeedintooda. Halka maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ay socon doonto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee HirShabeelle ku metelaya dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here