Wararkii ugu dambeeyey duqeyn culus oo ka dhacday gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn ay maanta diyaarado dagaal ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lagu soo warranayaa inay dhacday deegaanka Coomaad oo hoostaga degmada Matabaan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaan dhanka cirka ah lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha deegaankaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here