Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda buuraleyda gobolka Bari

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maalintii saddexaad oo xiriir ah ka socdo dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka ee Puntland iyo dagaalyahanada kooxda Daacish.

Dagaalkan oo ah mid culus ayaa xoogiisa waxa uu haatan ka socdaa dhinaca buuraha Calmiskaad iyo Galgala, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Puntland oo ka hadashay dagaalkaasi, waxaa ay shaaca ka qaaday inay khasaare culus ku gaarsiisay kooxda Daacish, sidoo kalena ay ka qabsatay dhul ballaaran, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here