Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weli dagaal goos goos ah uu ka socdo magaalada Guriceel, kaas oo u dhexeeyo ciidanka Galmudug oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinaca.

Dagaalka ayaa soo billowday saaka aroortii hore, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan degmada Guriceel, kadibna waxa ay dagaal la galeen xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan ee halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay dhinaca waqooyi ee magaalada, isla-markaana ciidanka huwanta ay la wareegeen saldhiga Booliska iyo xarunta maamulka.

Saraakiil ka tirsan Glamudug oo ka hadlay dagaalkaas ayaa guullo ka sheegtay waxaana ay shaaciyeen inay soo celin doonaan amniga iyo xasiloonida Guriceel.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa gudaha magaalada oo ay inta badan ay isaga barakaceen dadka deegaanka.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kana dhashay, kadib markii ay ciidamada Ahlu Sunna ay la wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here